Sports

Maxaad ka taqaan Gabdhaha u qalma daawashada ee ku jira tartanka koobka adduunka ee dumarka?

Waxaa maalintii saddexaad socda tartanka koobka adduunka ee Dumarka, kaasoo ay afartii sanoba mar qabtaan xiriirka caalamiga ah ee kubadda cagta adduunka.

Jun 10th 2019 ยท 2 min read
Maxaad ka taqaan Gabdhaha u qalma daawashada ee ku jira tartanka koobka adduunka ee dumarka?

Tartankan oo uu marti galiyay dalka Faransiiska ayaa billowday maalintii Jimcaha, waxaana ciyaartii ugu horreysay ee lagu furay ku hardamay gabdhaha Faransiiska iyo Kuuriyada Koonfureed, iyadoo ay 4-0 guusha ku raacday Faransiiska.

Haweenka Mareykanka ayaa koobkan difaacanaya, maadaama ay ku guuleysteen tartankii ugu dambeeyay ee Canada lagu qabtay sanadkii 2015-kii.

Haddaba waa kuwee Gabdhaha ugu caansan ciyaaraha haweenka ee u qalma in sanadkan tartanka 2019-ka lagu daawado?

Nikita Parris
Nikita Parris

Nikita Parris, 104 kulan oo ay ciyaatay waxay dhalisay 47 gool, waxayna noqotay ciyaaryahanadda gabadha ah ee ugu gool dhalinta badan taariikhda tartanka ugu weyn dhinaca dumarka England ee lagu magacaabo Women's Super League.

Dhanka kale, xulka England waligood lagama badinin kulan ay iyadu u dhalisay gool.

Marta: Waxaa lagu tilmaamay inay tahay laacibadda haweenka ee abid ugu fiican?

Marta
Marta

Marta oo ah Kabtanka xulka qaranka haweenka ee dalka Brazil waa gabdha goolasha ugu badan ka dhalisay tartanka koobka adduunka ee dumarka.

17 kulan oo ay ciyaartay waxay dhalisay 15 gool.

Alex Morgan: Gabadha laga wada jecelyahay caalamka

Alex Morgan
Alex Morgan

Alex Morgan, oo ah gabadha weerarka uga ciyaarta xulka qaranka dumarka ee Mareykanka, Waxa uu wargeyska Time magazine ku daray 100-ka qof ee ugu saameynta badan caalamka, sannadkan 2019-ka.

Waliba waxay ka mid tahay 2-da ciyaartoy ee kaliya ee liiskaas lagu daray, iyadoo ku wehlisa laacibka reer Masar ee lagu magacaabo Maxamed Salaax.

Wendie Renard: Gabadha reer Farance ee sida joogtada ah u guuleysata

Wendie Renard
Wendie Renard

Wendie Renard waxay ku guuleysatay in ka badan 25 koob oo waaweyn.

Koobabka ay ku guuleysatay waxaa ka mid ah lix tartan oo Champions League ah oo ay la qaadday kooxda Lyon, tan iyo sanadkii 2006-dii.

Sam Kerr: Laacibadda ugu xirfadda sarreysa

Sam kerr
Sam kerr

Sam Kerr oo u dhalatay dalka Australia waa ciyaaryahanadda ugu xirfadda badan ee ku jirta muuqaalka kubadda lagu ciyaaro ee lagu magacaabo Fifa 19.

Heerkeeda xirfadeed waxaa lagu qiimeeyay 89, iyadoo kasii sarreysay Maxamed Salaax oo lagu qiimeeyay 88.

last updated: 2019-06-10@19:06